Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo marxalad adag galay

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa diidday codsi ay qareennada madaxweyne ku xigeenka Kenya ku doonayeen in golaha senate-ka laga joojiyo ka doodista mooshinka xil ka qaadistiisa.

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa Todobaadkii hore ansixiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua kadib eedeymo loo jeediyay.

Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua ayaa waxaa baarlamaanka ku ansixiyay 281-44 cod waxaana loo gudbiyay aqalka senate-ka kaasoo bilaabanaya maantaba.

Gachagua ayaa wajahaya xil ka qaadis ka dhan ah musuq maasuq iyo wax is daba marin kale oo ay ku jiraan eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inuu taageeray mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday bishii June.

PUNTLAND POST