Golaha dhexe ee Ururka ONLF oo dib u qiimaynaya Heshiiskii ay kula jireen dowladda Itoobiya

Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi ayaa ku baaqay in ay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaan golaha dhexe ee Ururkaasi.

Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi ayuu ku ballamiyay in ay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadan dhammaan xubnaha golaha dhexe ee ONLF.

Fadhiga oo qabsoomi doona 26 bishan October ayaa dib loogu qiimayn doonaa heshiiskii dhexmaray ONLF iyo Itoobiya lix sano ka hor oo ku beegnayd sannadkii 2018.

Fadhiga ayaa sidoo kale dib loogu qiimayn doonaa xaaladda guud ee Itoobiya iyo tan Geeska Afrika iyo in laga doodo istiraatiijiyaddii ONLF ee  mustaqbalka gobolkaas ee ay ku hawlgali lahayd.

Halkan ka akhriso qoraalka

PUNTLAND POST