Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in mar kale dib la isugu soo laaban doono Shirkii Madasha Muqdisho ee fashilmay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in mar kale dib la isugu soo laaban doono Shirkii Madasha Wadatashiga Muqdisho ee Natiijo la’aanta ku soo dhammaaday.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in mar kale Shirkaasi dib la isugu soo laaban doono 26 bishan October.

Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in ay sii socon doonaan Wada-tashiyo ku saabsan Hannaanka Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Wada-shaqaynta guud ee Dowlad Goboleedyada dalka.

Warkani dowladda ayaa imaanaya iyadoo aysan wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii Muqdisho uga socday dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada dalka kadib markii Madaxweynaha Jubaland isaga baxay Shirkii oo socda.

Halkan ka akhriso Qoraalka dowladda

PUNTLAND POST