Dowladda Masar oo la sheegay in ay maalgashanayso dekedaha Soomaaliya

Wefdi ka socda dowladda Masar oo maalgashanaya dekedaha Soomaaliya ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho sida uu shaaciyay wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene.

Wasiirka wasaaradda Dekedaha dalka Masar H.E. Kamel El Wazir iyo ganacsato u dhashay dalkaasi Masar oo maalgashanaya dekedaha Soomaaliya ayaa dhawaan imaanaya magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyay wasiir Beene-beene oo la hadlay wakaaladda SONNA.

Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa tilmaamamay in ujeeddada safarka wefdigaasi ay tahay in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn islamarkaana maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalka.

Xiriirka u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kacay sabab la xiriira khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya kaasi oo ka dhashay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi.

PUNTLAND POST