Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis heerkiisu sarreeyo

Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis qandaraas heerkiisu sarreeyo oo ku saabsan dhismaha xarun Quwadda laga dhaliyo Cadceedda taasi oo laga dhisayo Jabuuti.

Heshiikani oo lagu kala saxiixday shir fogaan-arag ah ayaa waxa mashruuciisa hirgelineysa islamarkaana maalgelineysa dowladda Masar waxaana la doonayaa in xarunta quwadda laga sameeyo gudaha magaalada Jabuuti. 

Heshiiskan ayaa waxaa Masar u saxiixay Wasiirka Korontada iyo Tamarta la Cusbooneysiin karo Maxamuud Essmat halka uu Jabuuti u saxiixay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti Yoonis Cali Guuleed.

Wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa sida ay labada dal xoogga u saarayaan in xal loo helo tamarta la cusbooneysiin karo loogana faa’iideysan karo khibradda ay Masar u leedahay horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo.

Jabuuti ayaa hadda inta badan korontadeeda waxay ku xiran tahay Itoobiya oo dhanka galbeed ay deris ka yihiin balse waxaa Jabuuti looga baahnaan doonaa inay la timaaddo hannaan ay uga bixi karto in ay dal kale ku tiirsanaato.

PUNTLAND POST