Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta qaabilay kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu qaabilay kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan”ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay arrima ay kamid yihiin Xoojinta Wada-shaqaynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo Xasilinta degaannada laga saaray kooxaha Argagixisada ah.

“Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda” ayuu sii raaciyay Qoraalka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale sheegay in laga wada-hadlay xasillinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta iyo arrimaha bini’aadanimada.

PUNTLAND POST