Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho ugu deeqday Arday u dhashay dalka Suudaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deeq waxbarasho siisay Arday u dhashay dalka Suudaan oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siinayso 30 Ardayda Suudaan ee qoysaskoodu ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo bara-kaceen colaadda Suudaan.

“Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Arrintani ayay wasaaraddu ku sheegtay mid qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo iskaashiga aqooneed iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan taasi oo wasaaraddu sheegtay in ay fursad cusub siinayso ardayda labada waddan.

Suudaan ayaa ka mid aheyd dalalka deeqaha waxbarasho ugu yaboohay Ardayda Soomaaliyeed kaddib burburkii dowladdii dhexe, halkaasoo kumanaan arday ay jaamacadaha dalkaas ku soo waxbarteen wixii ka dambeeyay 1991.

PUNTLAND POST