Wararkii u danbeeyay ee Labada Kuuriya oo qarka u saaran dagaal

Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqay in ay arkeen dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo ka socda xadka Kuuriyada Waqooyi.

Kaddib markii halkaa la soo dhigay kumannaan militariga oo sita gaadiid taangiyo ay ku jiraan iyo walxaha qarxa,waxayna u muuqataa in ay ku hawlanyihiin ciidanka Kuuriyada Waqooyi inay qarxiyaan dhammaan waddooyinka iyo khadadka ay ku jiraan waddooyinka tareennada iyo gaadiidka ee isku xira labada Kuuriya.

Tan ayaa ka dambeysay kaddib markii guddiga difaaca Kuuriyada Waqooyi ay shaaciyeen 9 bishan Oktoobar in ay ku tala jiraan in la qarxiyo khadadka tareennada ee Gyeongui iyo Donghae iyo waddooyinka u dhexeeya Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya, sidoo kalena amar ku bixiyay in cudud militari la dhigo dhammaan aaggaga xadka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Xiisadan cusub ayaa ka soo billaabatay markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay gudaha u galeen dhinaca Kuuriyada Waqooyiga iyagoo ku daadinaya waraaqo dacaayad ka dhan ah Kim Jong Un, oo markaa ku hanjabay inuu dhul bannaan u beddeli doono Kuuriyada Koonfureed, waxaa xigtay inay Kuuriyada Koonfureed ku hanjabtay inay ridi doonto maamulka Kim Jong Un.

PUNTLAND POST