Qof rayid ah oo ku dhintay xiisad iyo rabshado weli ka taagan degmada Badhan ee Gobolka Sanaag

Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday  mid kalena waa ku dhaawacmay kadib mudda haraad rabshado wata oo maanta ka dhacay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Badhan kadib markii ciidamada Puntland saaka is hor-taag ku sameeyeen ciidamo ay wateen rag sheegtay guddiga siyaasadda Maakhir oo uu hoggaaminayay xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre.

Sidoo kale iska hor-imaad saaka degmada Badhan ka dhacay waxaa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka Badhan.

Wararka ayaa sheegaya in ay hadda gudaha degmada Badhan ku sugan yihiin raggii la baxay guddiga siyaasadda Maakhir ee uu hoggaaminayay xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dhoorre.

Waxgaradka magaalada ayaa sidoo kale wada waan-waan ay ku dejinayaan xaaladda degmada Badhan islamarkaaana Labada dhinac weli ma jiro mid ka hadlay xiisadda.

PUNTLAND POST