Mareykanka gantaallo casri ah iyo ciidamo u diraya difaaca Israa’iil

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay gantaallo casri ah oo nuuca difaaca cirka ah iyo ciidamo Mareykana ah u direyso Israa’iil, si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Israa’il.

Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero xooggan oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Israa’il, si looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageerto.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii xoojiyay weerarka ay ka wadaan maalmahaan waqooyiga Gaza, iyada oo taangiyadooda ay gunta u sii galayaan magaalada, gaar ahaan degmada Sheekh Ridwaan halkaas oo qoysas badan ay ka carareen guryahooda.

Aroornimadi hore ee saaka oo Isniin ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Isra’il ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST