Wararka ka imaanaya magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay ka dhacday is raasaasayn xooggan oo khasaare sababtay.
Is rasaasaynta ayaa dhexmartay ciidamo ka tirsan Puntland iyo ciidan ilaalinayay rag sheegtay in ay yihiin guddiga siyaasadda Maakhir kuwaasi oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan Gobolka Sanaag.
Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhaawacantay is rasaasayntaasi oo ka dhacday duleedka waqooyi ee degmada Badhan kadib markii hor istaag lagu sameeyay wefdigii doonayay in ay magaalada galaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa iyo hadda aysan gudaha Badhan gelin xubnihii sheegtay guddiga siyaasadda Maakhir oo ay ku sugan yihiin bannaanka balse weli isku dayayaan in ay socdaalkooda sii wataan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.