Ruushka oo Iran ka caawiyay in ay samada u dirto laba dayax-gacmeed

Ruushka ayaa gacan ku siiyay in ay Iran , hal mar hawada sare u dirto laba dayax-gacmeed oo laga diray gudaha dhulka Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Labada dayax-gacmeed ayaa kala ah ; Kowsar oo ah dayax-gacmeed awood u leh inuu sawirro ka qaado dhulka, sidoo kale wuxuu gacan ka siinaya Iran howlgalkeeda cilmi-baarista kala duwan.

Dayax-gacmeed kale ee Hod-hod ayaa sidoo kale ka caawinaya in ay Iran hesho nidaam isgaarsiin u gaar ah oo ay meel walba ku adeegsan karaan.

Warbixinta wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay iskaashiga hawada sare ee Ruushka iyo Iran, inuu walaac ku beeray Mareykanka , sababo la xiriira horumurinta nidaamyada dayax-gacmeedka.

PUNTLAND POST