Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu lumiyay Xubintii Golaha Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa markii u horraysay ka hadlay Xubintii Aqalka Sare ee la sheegay in isaga laga qaaday.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa jawaab ka bixiyay Qoraalkii uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo uu ku sheegay in Salax Jaamac uu lumiyay Xubintii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray go’aan shakhsiyeed baal-marsan Sharciga iyo dastuurka dalka islamarkaana sida uu sheegay ka hor-imaanaya go’aankii Golaha Aqalka sare ku diiday Xilka qaadistiisa.

Golaha Aqalka Sare ayuu sidoo kale ku bogaadiyay in ay cod aqlabiyad leh ku diideen Tallaabadii isaga Xilka looga qaadi lahaa waxaana uu tilmaamay in aysan waxba ka jirin Xubin ka qaadista uu ku sameeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Halkaan ka akhriso Qoraalka Saalax Jaamac

PUNTLAND POST