Puntland oo ku amartay dhammaan Wakiilada Kalluumeysi in ay is diiwaan-geliyaan

Xukuumadda Puntland ayaa ku wargelisay dhammaan Wakiillada Kalluumaysi in ay iska diwaan geliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland.

Go’aan kasoo baxay xafiiska Wasiirka Kalluumaysiga Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa lagu faray in dhamaan Wakiillada Kalluumaysi ay iska diwaan geliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland.

“Go’aan kasoo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland,
Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa lagu faray in dhamaan Wakiillada Kalluumaysi ay iska diwaan geliyaan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland” ayaa lagu yiri go’aanka Wasaaradda.

Sidoo kale go’aankaan ayaa lagu cadeeyay in qofkii ama shirkadii aan haysan shahaadada wakiilnimada aanu noqon karin Wakiil islamarkaana shati aan loo jari doonin wixii ka danbeeya 25-ka October 2024.

Halkaan ka akhriso go’aanka Wasaaradda

PUNTLAND POST