Axmed Madoobe iyo James Swan oo shir albaabadu u xiran yihiin uga socdo Madaxtooyada Kismaayo

Ku-simaha Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa saaka safar ku tegey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Mr. James Swan halkaasi oo uu hadda uga socdo shir gaar ah oo ku saabsan xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkani oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xal u raadinta isfaham-waagii sababay in uu wax natiijo la’aan ku dhammaado Shirkii Madasha Muqdisho oo uu ka baxay Madaxweyne Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST