Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo lumiyay Xubinimada Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Golaha aqalka sare usoo gudbiyay qoraal ku saabsan in uu xubinimadii aqalkaasi lumiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray go’aan maamul oo ku saabsan buuxin xubinta uu sheegay in ay ka banaanaatay Golaha Aqalka Sare ee uu lumiyay Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka kaddib markii laga qaaday maamuuskii kursigiisa maadaama aanu afar kalfadhi oo Golaha uusan soo xaadirin.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in Saalax Jaamac lagu beddelay Ibraahim Iidle Suleymaan oo ahaa musharixii xubnimada aqalka sare kula tartamay Saalax kaasoo sida uu guddoomiyuhu sheegay xaq u leh in uu buuxiyo xubintaas uu banneeyay raysal wasaare ku xigeenka.

Dhinaca kale guddoomiyaha aqalka sare ayaa dib u dhigay in Ibraahim Iidle Sulaymaan loo dhaariyo xubinimada aqalka sare kaddib markii xubnaha aqalka sare ay diideen in ay u codeeyaan in xubinimada laga qaado  Saalax Jaamac.

PUNTLAND POST