Hay’adda MSF oo lagu khasbay in ay joojiso hawlihii ay ka wadday Daarfur

Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in lagu qasbay in ay joojiso hawlihi caafimaad ee ka wadday xero weyn oo ku taalla Waqooyiga gobolka Daarfur ee dalka Suudaan, halkaas oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo ruux oo ku barakacay dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socda.

Xerada Zamzam ayaa dhawaan la xaqiijiyay in ay ka dhex dillaacday macluul kaddib gaajo xoog leh oo soo food-saartay dadka barakaca ah sababo la xiriira colaadda iyo go’doomin ay halkaasi geliyeen garab ka mid ah dhinacyada dagaallamada.

MSF waxa ay sheegtay in ay joojisay dhaqdhaqaaqii ay ka waday xerada Zamzam ka dib markii ay is gargaarki u yaallay degaanka Al Fashir ay is hortaag ku sameeyeen malleeshiyada kooxda Gurmadka Degdegga ee loo soo gaabsho RSF, kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada qalabka sida ee Suudaan.

Ciidanka milatariga Suudaan ayay sidoo kale ku eedeysay MSF in ay si nidaamsan u xannibayaan gargaarka yaalla meelaha ka baxsan gacantooda. Ka bixista MSF ee xerada Zamzam ayaa khatar gelin karta carruur badan oo lagala tacaallayo nafaqo darro, kuwaas oo ay dhici karto in ay u dhintaan macluul.

PUNTLAND POST