Markabka Oruç Reis ee Turkiga oo shidaal baaris ka sameyn doona xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Galmudug ayaa maanta ka soo gudbay Kanaalka Suweys.
Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis uu ku sii dhowaanayo xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo la filayo in uu ka billaabo shidaal baaris.
“Markabkeena Oruç Reis, oo ay weheliyaan maraakiibta caawineysa iyo maraakiibta ciidamadeena badda, waxa ay si nabad ah uga gudbeen Kanaalka Suweys, waxayna hadda ku wajahan yihiin Soomaaliya,” ayuu wasiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.
Markabka Oruç Reis ayaa lagu wadaa in uu xeebaha Galmudug ka sameeyo baarista loo yaqaano 3D oo ka macno ah helitaanka halka ugu fiican ee laga daloolin karo ceelka shidaalka ee la qodayo.
Shantii bishan ayaa markabkan iyo ciidamadda badda ee ilaalinaya laga soo sagootiyay magaalada Istanbuul, kaddib munaasabad uu ka qaybgalay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.
Munaasabad kale ayaa lagu wadaa in lagu qabto Muqdisho marka uu markab kan soo gaaro, iyadoo waqtigaa wixii ka dambeeya uu bilaabi doono baarista 3D ee xirmooyin ku yaala Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.