Dagaal ka dhacay Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunt gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka oo Jimce ah uu halkaas ka dhacay dagaal sababay khasaare.

Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka la magac baxay Hiiraan State ayaa ka dhacay aagga xerada Lamagalaay oo ay ku taallo xarunta gobolka, waxaana dagaalkaas inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay labo qof.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada taabacsan Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Odayaal iyo waxgarad dhexgalay dagaalka ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan labada ciidan, waxaana hadda  xaaladu tahay mid degan, inkastoo marwalba la filan karo in markale dagaalamaan labada dhinac maadama goobaha ay kala joogaan aysan kala fogeyn.

Waa markii labaad oo ay sanadkan gudihiisa magaalada Beledweyne ku dagaalamaan ciidamo kala taabacsan dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo maamulka la magac baxay Hiiraan State, bishii Maarso ayaa sidaan oo kale dagaal dhexmaray.

PUNTLAND POST