Xizbullah oo maanta gantaalo ku weeraray Israel

Dagaal-yahanada Xizbullah ayaa maanta ah gantaallo ku weeraray Israel, ayaga oo sidoo kale sheegay inay fashiliyeen duullaan dhulka ah maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ka digay in Lubnaan ay wajihi karto burbur la mid ah midka Gaza.

Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu Arbacada maanta ah kala hadlo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden jawaabtii ay Israel ka bixin laheyd weerarkii gantaallada ee Iran ee asbuucii hore, sida ay ku warrantay warbaahinta Axios ee Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah.

Xizbullah ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen laba isku day oo ay Israel ku doonaysay in ay ku soo jebiso xuduudda, iyada oo adeegsatay gantaallada riddada dheer iyo in ay dagaal dhulka ah la gashay askarta Israel.

Israel waxay sheegtay in difaaceeda cirka ay ka hortageen laba gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan, ayada oo sayrinka digniinta laga maqlay aagga Caesarea, ee koonfurta Haifa.

PUNTLAND POST