Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta safar ugu baxay dalka Eritrea

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa u amba-baxay magaalada Asmara sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa magaalada Asmara shir ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dal gaar ahaanna arrrinaha gobolka kula yeelan doona dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki sida ay ku warrantay wakaaladda SONNA.

“Safarka Madaxweynaha ayaa ah mid shaqo, waxa uuna kulamo la yeelan doonaa madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan arimaha geeska Afrika” ayaa lagu sheegay warbixinta SONNA.

PUNTLAND POST