FBI-da Marykanka oo xirtay nin u dhashay Afgaanistan oo taageersan Daacish

Hay’adda FBI-da Marykanka ayaa sheegtay in ay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay ururka Daacish.

Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November.

Sida ay sheegtay wasaaradda Cadaaladda Mareykanka, ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magaaabaa Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir.

Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray ka dib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka.

PUNTLAND POST