Dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay

G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan

Dowladda Puntland ayaa shaqa joojin ku samaysay dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan iyo dhammaan xubnihii Maxkamaddaasi ayaa sida la xaqiijiyay shaqada laga joojiyay kaddib markii dowladdu ka carootay xukunno ay rideen.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dalka dibaddiisa ku maqan ayaa wararku sheegayaan in uu shaqada ka joojiyay xubnaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland kadib markii ay cabashooyin badan ka yimaadeen xukunno ay rideen.

PUNTLAND POST