Puntland oo sheegtay in uu fashilmay mudda kororsi uu raadinayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud uu ka soo xirmay jidkii mudda kororsiga uu raadinayay in uu xukunka ku sii joogo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fashilmay qorshihii mudda kororsiga xukunka kadib markii uu burburay Shirkii Muqdisho ee lagu ansixin lahaa mudda kororsiga.

“Xasan iyo mabaadiidiisii kali-taliska ahayd gidaarkay soo taabatay. Gidaarka hadday soo taabatayna Mariyaanana way sugaysaa, In guntiga lagu dhego lix bilood oo la dhaho Xasanow soo bax. Isagaa oran jiray Maxamadow soo bax” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiir Dirir ayaa sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay in madaxweyne Xasan Sheikh uusan diyaar u ahayn inuu dalka doorasho u diyaariyo sanadka 2026 wuxuuna sheegay in damaca siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheikh uu dalku gelin karo qalalaase siyaasadeed.

Halkan ka daawo Muuqaalka Wasiirka

PUNTLAND POST