Natiijada Rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday dalka Tunisia oo la shaaciyay

Madaxweynaha dalka Tunisia Qays Saciid ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Todobaadkani ka dhacday dalkaasi.

Kaddib marki uu muudo xileedkiisii koowaad ee soo billowday sannadki 2019-ki uu wax ka baddalay dastuurka, baarlamaanka kala diray, mucaaridkana xabsiga dhigay, ayuu Qeys hadda sii xajistay awoodda dalka.

Guddiga doorashada ee dalkaasi dhaca Waqooyiga Afirca ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Qays Saciid uu codbixinti doorashada ka helay in ka badan 90.7%.

Hadal uu ka jeediyay xarunta dhexe ee ololihiisii doorashada ayuu 66 jirkaan ku sheegay, in dalka uu ka nadiifin doono dhammaan musuq maasuqa iyo qaswadayaasha. 

Qeys ayaa doorashada kaga guuleystay laba murashax oo la tartantay kuwaasi oo kala ah Zuheyr Magzawi iyo Cayaash Zaamel oo doorashada ka qeybgalay isaga oo xiran.

PUNTLAND POST