Hormuudkii Bahda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke oo Maanta Gaalkacyo lagu aasay

Alle ha u naxariistee, waxaa Maanta magaalada Gaalkacyo lagu aasay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan (Shuuke) oo dhawaan geeriyooday.

Marxuumka oo mudda dheer ahaa Hormuudka Bahda Waxbarashada Soomaaliya, waxaa Aaskiisa ka qeybka galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, Bahda Waxbarashada, Culimada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo.

Marxuum Cabdiraxman Cabdile Shuuke wuxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay horumarinta waxbarashada iyo dowladnimada Soomaaliya. Wuxuu ka mid ahaa raggii dhidibbada u taagay waxbarashada dalka, isaga oo noloshiisa u huray dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed, waxbarashada, iyo hagaajinta nidaamka dowladnimada ee Soomaaliya.

Wuxuu ku dhashay magaalada Garoowe oo markaasi Tuulo yar ahayd Sannadkii 1937 wuxuu mudda dheer ahaa Macallin heerarka kala duwan ee Waxbarashada, waxaana uu uga gudbay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ilaa uu noqday Wasiirka Waxbarashada dalka. Burburkii dalka kadibna wuxuu kamid noqday Asaasayaashii Xarunta Cilmi Baarista Puntland ee PDRC.

Halkan ka daawo muuqaalka iyo sawirada Aaska Marxuumka.

PUNTLAND POST