Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay hawlgallo ku dishay 59 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka shaacisay in ay hawlgallo qorshaysan ku dishay 59 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Al-shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayay ku sheegtay in hawlgalkaasi ay fuliyeen ciidamada dowladda oo kaashanaya ciidamo degaanka ah iyo saaxiibada Caalamiga ah.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallada laga fuliyay degaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe islamarkaana mileeshiyaadka lagu dilay ay ku jiraan qaar horjoogayaal ah.

Hawlgalka kowaad oo ka dhacay nawaaxiga degaanka Goosa weyn ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay 32 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Shabaab halka ciidamada dowladda ay kaga dhinteen 4 askari sida ay sheegtay wasaaradda Warfaafinta.

Hawlgalka labaad oo oo laga fuliyay tuulada Yaaqle oo u dhow degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sidoo kale lagu dilay 27 ka tirsan Al-shabaab sida ay tilmaantay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST