Dowladda Iran oo Bariga dhexe ka dhisaysa isbahaysi militari oo xooggan

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, ayaa ku warrantay in Baarlamaanka Iran ay diyaarinayaan hinside sharciyeed lagu abuurayo isbahaysi militari oo rasmi iyo iskaashi lala yeelanayo dhaqdhaqaaqyada iska caabinta ee ka jira Suuriya, Lubnaan, Yemen, Ciraaq iyo Qasa.

Sharcigan ayaa u oggolaanaya militariga Iran in ay howlgallo wadajir ah la fulin karaan dhaqdhaqaaqyada, inay wadaagaan kaabayaasha militari, sida saldhigyada , hubka iyo xeeladaha dagaalka, waxayna la mideynaya saldhigyada iyo agabka si loo xoojiyo awoodda difaac.

Qodobbada kale ee ku jira sharcigan, waxaa ka mid ah ; in dhaqdhaqaaqyada iska caabinta iyo militariga Iran inay qaadaanayaan tababaro wadajir ah ayna sameyn karaan dhoolatusyo militari , waxaa dheer kaalmo militari iyo mid bani’aadanimo; Haddii xubin ka mid ah uu la kulmo weerar ka imanaya Maraykanka ama Israa’iil, dhammaan kuwa kale waa in ay kaga jawaabaan gargaar militari iyo mid bini’aadantinimo.

Marka la ansixiyo sharcigan Iran ayaa heshiis difaac iyo istiraatijiyadeed oo dhammeystiran la galaysa dhaqdhaqaaqyada , markaa oo ay militariga Iran awood u yeelanayaan si sharci ah inay howlgallo iyo weerarro jawaab wadajir ah ay la fulin karaan dhaqdhaqaaqyada.

PUNTLAND POST