Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid mudda kororsiga uu raadinayo Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cad uga horyimid mudda kororsiga uu riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay si adag uga hadleen burburka shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uga socday Muqdisho waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku dayayo muddo-kororsi sharci-darro ah islamarkaana waxay ku goodiyeen in ay tallaabo kasta oo sharci ah u adeegsan doonaan si ay u hor istaagaan damacaasi.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore” ayay ku sheegeen bayaan ay soo saareen Shariif, Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayuu sii raaciyay bayaanka.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayay sidoo kale ku bogaadiyeen mowqifka uu ka qaatay Shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka uga socday Muqdisho ee uu ku diiday in mudda kororsi loo sameeyo dowlad goboleedyada iyo in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah oo Puntland ka maqan tahay.

Halkan ka akhriso Bayaankooda

PUNTLAND POST