Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday Shirkii Muqdisho

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Kismaayo kadib markii uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday Shirkii Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Koonfurta uga socday Muqdisho uu natiijo la’aan ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay qodobadii Shirka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday labadii qodob ee Villa Somalia doonaysay in ay ku meel-mariso Shirka kuwaas oo ahaa in mudda kordhin hal sano ah loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyads iyo in doorasho qof iyo cod ah laga qabto dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mowqif cad ka istaagay arrinta ku saabsan in mudda kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu ku adkaystay in aan wax mudda kororsi ah la aadin oo dowlad goboleedyadu ay sidoodii hore u qabsadaan doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shardi ka dhigay in Puntland la raadiyo haddii la doonayo in doorashooyin guud oo qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya islamarkaana wuxu dalbaday in la caddeeyo meqaamka siyaasadeed ee SSC-khaatumo.

PUNTLAND POST