Dagaalka ka socda Marinka Gaza oo sannad-jirsaday kuna sii fidaya Bariga dhexe

Sannad ayaa maanta laga joogaa markii uu billowday duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay uga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku ekaysay koofurta Israa’il.

Saacado ka hor inta aanan la gaarin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Israa’iil gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan.

Duqeymaha cirka ah ee Israa’il ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Millitariga Israa’iil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta Sirdoonka iyo keydka hubka.

Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Israa’iil ee Xeyfa. Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday hannaanka difaaca cirka ee Israa’il waxaana ku dhaawacmay Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah.

PUNTLAND POST