Puntland oo taageertay Mowqifka Madaxweynaha Jubaland ka qaatay Shirka Madasha Muqdisho

Dowladda Puntland ayaa soo dhaweysay go’aankii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ka qaatay Shirkii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uga socday Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa taageeray mowqifka Madaxweyne Axmed Maboobe ka qaatay Shirkaasi.

“Waxaan bogaadinayaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam mawqifka uu ka istaagay shirka Xamar ka socda sida uu u diiday maqnaanshaha Puntland iyo Khaatumo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Warbaahinta Kula hadlay Garoowe.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sida la sheegayo dood adag ka keenay laba qodob oo Villa Somalia doonayso in lagu meel-mariyo shirka Muqdisho kuwaasi oo ah in mudda kororsi loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada iyo in doorasho qof iyo cod ah dalka laga qabto.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mowqif cad ka istaagay arrinta ku saabsan in mudda kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu ku adkaystay in aan wax mudda kororsi ah la aadin oo dowlad goboleedyadu ay sidoodii hore u qabsadaan doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shardi ka dhigay in Puntland la raadiyo haddii la doonayo in doorashooyin guud oo qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya islamarkaana wuxu dalbaday in la caddeeyo meqaamka siyaasadeed ee SSC-khaatumo.

PUNTLAND POST