Madaxweyne Deni oo lagu eedeeyay in uu mas’uul ka yahay sicir-bararka iyo saboolnimada ka jirta Puntland

Siyaasi Maxamed Cabdullaahi Xuseen (Shoortaayo), oo wareysi bixiyay ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa baabi’intii Shilin Soomaaliga, kadib markii dowladdiisu diiday isticmaalka Lacagtaasi.

Maxamed Xuseen Shoortaayo ayaa sheegay in joojintii Madaxweyne Siciid Deni uu ku sameeyay Shilin Soomaaliga ay sababtay musiibo dhaqaale iyo sicir-barar maciishadeed oo culayskiisu ku dhacay danyartii markii horeba duruufaha adag ku noolayd.

Siyaasi Shoortaayo ayaa tilmaamay in dowladda Puntland oo diiday qaadashada Shilin Soomaaliga ay sabab u noqotay in shacabkii ka aamin-baxaan Lacagtaas, islamarkaana cid qaadata la waayay, sidaasina ay suuqa kaga baxday.

“Markii dowladda Puntland diiday lacagtii Shilin Soomaaliga, waa laga aamin-baxay, waxaana ay noqotay mid agoon ah oo aan cidna lahayn mar haddii dowladdii mas’uulka ka ahayd-ba tiri qaadan mayno” ayuu yiri siyaasi Shoortaayo.

Wuxuu intaasi raaciyay in dowladda Puntland isku dayday in ay dib qaladkeeda ka saxdo oo Lacagta suuqa ku soo celiso, kadib markii ay guddiyo u saartay, balse taasina ay shaqeyn weyday

“Dib bay qaladkooda ka ogaadeen, waa suxul-duubeen, waa xarbiyeen oo markaasi qolo khubaro loogu yeeray baa loo saaray soo celinta Lacagtaasi, balse khubaradiina waxba samayn kari weyday” ayuu sii raaciyay Shoortaayo.

Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku faanay oo libin ka dhigtay baabi’intii Shilin Soomaaliga ee sababtay sicir-bararka iyo saboolnimada ilaa iyo hadda laga soo kaban la’ yahay degaannada Puntland.

“Waxaan arkayay Madaxweyne Deni oo libin ka dhiganaya in Lacagtii Shilin Soomaaliga ee meesha ka baxday uu isagu ka saaray, taasina libin ma ahayn oo dadka reer Puntland waa ku caroobay oo sicir barar ba’an baa ku dhacay” ayuu sii raaciyay Maxamed Xuseen Shoortaayo.

PUNTLAND POST