Israa’iil oo duqayn la beegsatay hoggaamiyihii beddeli lahaa Xasan Nasrullahi

Ururka Xisbullah ayaa la xaqiijiyay in uu lumiyay xiriirka ay la lahaayeen madaxii golaha fulinta iyo hoggaamiyihii la filayay in uu jagada u sarreysa ee Xisbullah qabto ee Hashem Safi al-Diin.

Safi al-Diin ayaa la waayay kaddib markii ay Israa’iil duqeysay goob ay ku sheegtay in ay tahay xarunta sirdoonka Xisbullah oo ku taal degaanka Al-Marija oo uu ku sugnaa Safi al-Diin iyo hoggaamiyayaal sare oo ka tirsan Xisbullah iyo ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay tan iyo markii ay duqeyntaa dhacday , diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa si joogto ah goobta dul joogay, iyagoo beegsanayana gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo kooxaha samatabbixinta, tallaabo u muuqata inay Israa’iil ka hortagayso in nolal lagu gaaro qof kasta oo ku sugnaa goobta ay duqeysay.

Sidoo kale , telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa ku warramay in duqeynta ay Israa’iil ku beegsatay Hashem Safi al-Diin inuu sidoo kale goobtaa joogay madaxa ciidanka ilaalada kacaanka Quds, Esmail Qaani oo ah ninka beddelay Qasem Soleimani.

PUNTLAND POST