Garoowe (Faallo) —Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Hoggaamiyaha maamulka ku meelgaarka ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) waa labo hoggaamiye oo bannaanka ka taagan Golaha Wadatashiga Qaranka oo hadda ku shirsan Muqdisho. Deni isagu xaq ka qeybgal shir ayuu leeyahay hase ahaatee wuu diiday inuu shirkaas ka qeybgalo. Sanadkii hore (2023) ayuu maamulka Deni xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya. Sababaha uu cuskaday waxaa ka mid ahaa in maamulka Somaliland uu metelaad ku dhex leeyahay hay’adaha federaalka inkastoo uusan aqoonsanayn dowladda federaalka, sheeganayana inuu yahay dal ka go’ay Soomaaliya. Dhowr toddobaad ka hor Deni wuxuu ku dooday in maamulka Somaliland la fogeeyay. Goormuu saxan yahay Deni?
Deni wuxuu u doodayay maamul duqeyn, dil iyo burburin ka geystay Laascaanood xilli xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ay diiddayd inay beeniso doodaha beenta ahaa oo uu maamulka Somaliland u cuskaday duqeynta Laascaanood oo kala ah in “maamulka Somaliland dal gaar ah yahay iyo inuu Laascaanood kula dagaallamayo Al-shabaab”.
Deni iyo Firdhiye waxay dhaxleen xaalad siyaasadeed oo Puntland ka dhigtay maamul leh itaal siyaasadeed oo yar tanaasulaadkii maamulladii hore ee Puntland sameeyeen markii laga baxayay ku meelgaarka awgood 2012kii iyo sanadkii 2013kii marka shirkii New Deal uu ka qabsaoomayay Beljimka. Shirkaas Puntland waxay oggolaatay in maamulka Somaliland habka Special Arrangement wax lagu siiyo iyo in Puntland wax la qeybsato maamullada kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Hadda dhulka juqaarfi ahaan Puntland ah kuna salaysan cahdigii 1998 waa dhul go’doonsan siyaasad ahaan, xiriir aan la lahayn beesha caalamka. Dadka dhulkaasi ku nool way ka qatan yihiin deeqaha horumarineed sida deeqda ay hay’adda USAID bixisay toddobaadkan oo ka badan 60 milyan oo doollar.
Puntland lix gobol ayay ka kooban tahay (oo labo gobol — Nugaal iyo Bari— ay buuxiyaan shuruudda samaynta maamulka federaal), hase ahaatee Puntland waxay la awood tahay dhanka siyaasadda iyo wax qaybsiga maamul federaaleedyada kale sida Galmudug oo hal gobol iyo bar ka kooban. Puntland saameyn weyn ayay ku lahayd qoristii dastuurka ku meelgaarka lagaga baxayay iyo dejinta shuruudaha maamul federaal ku samaysmo. Ma jirin maamul federaal la heer ah Puntland dhanka baaxadda dhulka iyo taariikhda maamul oo lahaa saameyn markii ku meelgaarka laga baxayay.
Maamulka SSC-Khaatumo wuu taageersan yahay siyaasadda dowladda federaalka dhanka metelaadda iyo arrimmaha dibedda, halka Puntland ay ku maandhaafsan tahay dowladda federaalka labadaas siyaasadood. Waxaa xusid mudan in ilaa hadda maamulka Puntland uusan u hoggaansamin soo jeedinta Guddiga Maamulka Maaliyadda (Financial Governance Committee) inay soo sheegto dakhliga ka soo gala canshuuraha iyo shatiyada kalluumaysiga. Dhowaan Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa wuxuu sheegay in dad maamulka Puntland uusan ka warhaynin ay keenaan shirkadda kalluumaysi oo xaalufin ka wada badda. Hadalka Wasiirku wuxuu muujinayaa in maamulka kheyraadka badda uu yahay wax ka baxsan awoodda dowladda Puntland oo dhowr jeer isku dayday inay wax ka qabato shatiyada kalluumeysi oo si sharcidarro ah magaca Puntland loogu bixiyay.
Maamulka SSC-Khaatumo ma laha aqoonsi maamul federaal mana jiraan siyaasado yarayn kara saameynta ismaandhaafka dowladda federaalka iyo Puntland uu ku yeelan karo xuquuqda dadka maamulka SSC-Khtaamo uu metelo. Dhowaan Firdhiye wuxuu sheegay in xildhibaannada SSC-Khaatumo lagu soo xuli doono dhulka SSC-Khaatumo. Haddii doorasho sidii tii 2022 lagu heshiiyo oo sababtay inuu Deni soo xusho xildhibaanno u gaar ah, way adag tahay sida Firdhiye sheegay xildhibaanno loo soo xulo. Ma cadda in Deni mar kale isku dayi doono inuu u tartamo noqoshada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu u tartamay 2017 iyo 2022.
Waa in Deni iyo Firdhiye gartaan inay dhaxleen xaalad siyaasadeed oo hoggaamiyayaashii hore ee Puntland unkeen iyaga oo aan ka fekerin saameynta go’aammadoodu ku yeelan doonaan awood qeybsiga iyo kheyraad qeybsiga. Maamullada samaysmay ama la ballaariyay kaddib 2013 ayaa ka faa’iiday dowlad dhisidii ay Puntland horseedka ka ahayd markii ay 1998 soo jeedisay in habka federaalku ka ilaalin karo Soomaaliya awood meel dhexe ku urursan oo aan lala xisaabtami karin. Puntland tusaale uma noqonin awood-daadejin (decentralisation). Soomaaliya waxaa ilaa xad ka hirgalay dowlad dhisiddii ay Puntland soo jeedisay makii ay ahayd maamulka keliya oo ay beesha caalamku talooyinkiisa qaadanaysay. Punland sooyaal maamul dhisid oo lagu qaddariyo ayay lahayd.
Sanadkii 2023kii wuxuu ahaa sanad Puntland ay la kulantay xujooyin waaweyn sida dagaal socday toddoba bilood, qabashada doorashooyinka golaha deegaanka iyo colaad ka dhalan gaartay isku raacsanaan la’aantii sida doorashadii 2024 uga qabsoomaysay Puntland ka hor inta aysan odayaasha SSC-Khaatumo xal dhexe oo habka 66 ku salaysan keenin. Deni iyo Firdhiye waa inay xusuustaan macnaha maahmaahda raqba waa ku raggeed. Isbeddello waaweyn ayaa Soomaaliya ka dhacaya oo siyaasiyiinta meel xun ka istaaga sababi kari doonaan in gobolladoodu go’doon siyaasadeed galaan xilli beesha caalamku maalgelin badan u hurayso dib u dhiska hay’adaha siyaasadda ee Soomaaliya heer dowlad federaal iyo heer xubin dowlad federaal.
© Puntland Post, 2024
You must be logged in to post a comment.