Shir xalay dhexmaray Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubaland oo fashil ku dhammaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xalay Shir gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ugu yeeray Madaxweyne Axmed Madoobe halkaasi oo uu ka dhacay Shirka labada dhinac.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday Shirkaasi ay Madaxweynaha Jubaland ugu yeereen Madaxweynaha Soomaaliya oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Labada dhinac ayaa isku mari waayay qodoba ku saabsan in hal sanno oo mudda kordhin loo sameeyo Madaxda Dowlad goboleedyada iyo in doorashooyin guud oo qof iyo cod ah laga qabto dalka waxaana la sheegaya in Villa Somalia ku guul-darraysatay in ay labadaasi qodob ku qanciyaan Axmed Madoobe.

Arrintani ayaa sii fogayn karta in wax la isku raacsan yahay uu ka soo baxo Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada uga socday magaalada Muqdisho kaasi oo u xanniban mowqifka Madaxweyne Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST