Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay 50 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay ku dhawaad 50 xubnood oo ka tirsan mileeshiyaadka Al-shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in hawlgalkaasi laga fuliyay degaannada Bidda Ciise iyo Geriile oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

“Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibbada caalamka ayaa beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bidda Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka dowladda.

“Sidoo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

PUNTLAND POST