Xisbiga Himilo Qaran oo mudda kororsi uga digay Madaxda ku shirsan Villa Somalia

Shir deg deg ah oo ay yeesheen xubnaha Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayay digniin ugu jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee ku shirsan Magaalada Muqdisho.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa digay in madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.

“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka digayaa in madashu ay soo saarto go’aanno siyaasadeed oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee uu dalka hadda ku jiro, isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran.

Xisbiga ayaa sidoo kale adkeeyay, una soo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran in ay dhowraan una hoggaansamaan qodobka 120aad ee dastuurka dalka, kaas oo dowlad goboleedyada u ogolaanaya in ay doorashooyinkooda qabsadaan waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu ka daayo Fara-gelinta uu ku hayo Dowlad Goboleedyada.

Himilo Qaran ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda ku shirsan madaxtooyada Soomaaliya in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed waxaana uu uga digay muddo kordhin loo sameeyo madaxda Dowlad goboleedyada dalka, si Madaxweyne Xasan Sheekh ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah.

“Xisbigu wuxuu ka digayaa muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si madaxweynaha JFS ugu bedesho dano siyaasadeed oo u gaar ah. Xisbigu wuxuu cadeynayaa in uusan aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha la doortay oo dhan heer walba” ayuu sii raaciyay Bayaanka.

PUNTLAND POST