Shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uga socday Muqdisho oo burbur qarka u saaran

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weli la isku mari la’ yahay Shirka magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka oo uu weheliyo maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sida la sheegayo dood adag ka keenay laba qodob oo Villa Somalia doonayso in lagu meel-mariyo shirka kuwaasi oo ah in mudda kororsi loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada iyo in doorasho qof iyo cod ah dalka laga qabto.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mowqif cad ka istaagay arrinta ku saabsan in mudda kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu ku adkaystay in aan wax mudda kororsi ah la aadin oo dowlad goboleedyadu ay sidoodii hore u qabsadaan doorashooyinka taasi oo ay dhabar-jab siyaasadeed u aragto Villa Somalia.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shardi ka dhigay in Puntland la raadiyo haddii la doonayo in doorashooyin guud oo qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya islamarkaana wuxu dalbaday in la caddeeyo meqaamka siyaasadeed ee SSC-khaatumo.

Wararka ayaa intaasi ku darayo in shirka uu hadda qarka u saaran yahay in uu fashilmo balse weli Villa Somalia doonayso in ay badbaadiso ama ugu yaraan shir kale lagu ballamo si madaxweyne Xasan Sheekh uga baaqsado weji gabax-siyaasadeed.

PUNTLAND POST