Khamenei oo sheegay in Iran iyo Xulafadooda aysan ka waaban doonin dagaalka Israel

Hoggaamiyaha sare ee Iran ayaa khudbad naadir ah, oo uu jeediyey Jimcaha maanta, ku sheegay in xulufadiisa gobolka ay sii wadi doonaan dagaalka Israel, isaga oo difaacay weerarkii gantaallo ee ay ku qaadeen.

Khudbadda Aayatullah Cali Khamenei ee Tehran ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii Iran ay fulisay weerarkeedii labaad ee abid ay ku qaado Israel. Sidoo kale waa tii ugu horreysay tan iyo markii rasaas is-weydaarsigii dagaal-yahannada Xzibullah iyo Israel uu isku rogay dagaal ballaaran.

Isagoo la hadlayay kumanaan qof oo isugu soo baxay dalka ku hadla luuqadda Farsiga ee Iran, ayuu Khamenei ku yiri Carabi”Iska caabinta gobolka kama waaban doonaan in ay shahiidaan, wayna guuleysan doonaan.”

Khudbadda ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Israel ay darseyso aargudasho ka dhan ah weerarkii ee Iran, oo ay Tehran sheegtay in ay ugu aargudaysay dilkii Nasrallah iyo xubno kale oo sar sare.

PUNTLAND POST