Dalal ay ku jiraan Maraykanka iyo Ingiriiska oo sheegay in Madax-bannaanida Soomaaliya lama taabtaan tahay

Magaalada Washington waxaa Kulan ku yeeshay wadamada la baxay shanta ee ka caawiya dowladda Soomaaliya arimaha amniga iyo tababarrada ciidamada.

Dalalkani oo kala ah Qadar, Isutagga Imaraadka Carabta, Turkiga, Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa shirka waxa kala qayb galay xubno ka socday dowladda federaalka Soomaaliya.

Shantani dowladood ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan gobnimada, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqeen lagama maarmaanimada in hoos loo dhigo xiisadda gobolka, iyadoo loo marayo hannaan wadahadal oo ay ku jirto tan Turkidu wadaan.

Wakiilada ka socday shanta dal ayaa sidoo kale lafa guray sida dhakhsiyaha badan ee loogu baahan yahay in la soo gabagabeeyo qorshayaasha hawgalka cusub ee xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, xili uu dhammaanayo xiliga hawgalka ATMIS.

Waxay tilmaameen muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo balaarinta wadahadallada dhinacyada qorshaha ku lugta leh, kuwaas oo ay ku jiraan dalalka ciidamadoodu qaybta ka yihiin si loo sameeyo hawgal yoolkiisu yahay in la gaaro dhamaystirka awoodda ciidamada amniga ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST