Dilkii hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah kaddib markii u horreysay ayaa hadda la xaqiijiyay in la xiray xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran.
Waxaa kalo gudaha Iran ka socda baaritaan xooggan oo la sheegay in lagu baarayo xiriirka xubnaha Ilaalada Kacaanka iyo Israa’iil.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa laga soo xigtay in si gaar ah loo beegsanayo xubnaha ay qoysaskooda degganyihiin meel ka baxdan Iran iyo kuwa u safray Lubnaan kaddib dilka Nasrallah.
Mid ka mid ah dadka la xiray ee ka tirsan saraakiisha Ilaalada Kacaan Iran ayaa la sheegay inuu ku hawllana raadinta xogta Nasrallah ka hor inta aan la dilay oo ay ku jirto goobta uu ku suganyahay iyo illaa muddada uu joogo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in hoggaamiyaha sare ee Iran Cali Khamenei uu isku dayay inuu badbaadiyo Nasrallah balse waxaa la dilay hoggaamiyaha Xisbullah iyo wakiilkii Iran ee loo diray si uu uga dhaadhiciyo in uu u gaaro Iran.
Sidoo kale warbixinta ayaa sheegtay in hadda boqollaal ruux oo ka tirsan Xisbullah la xiray kuwaasoo ay ku jiraan xubnihii soo iibiyay nidaamkii isgaarsiinta Xisbullah ee la qarxiyay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.