Madaxweynaha Puntland iyo Taliska sare ee EUNAVFOR oo Shir ku yeelanaya Markab dushiis

Dowladda Puntland iyo Taliska ugu sarreeya Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR) ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Shir ku yeeshaan Badda dusheeda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Taliska ugu sarreeya Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa shir xasaasi ah ku yeelanaya dusha sare ee Markab ay lee yihiin EUNAVFOR oo taagan meel ku aaddan dekedda Boosaaso.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Shirka labada dhinac looga hadlayo Qodoba ay kamid yihiin is dhaafsiga Xogta Dhaq dhaqaaqa badaha iyo La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Argagixisada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale Shirka lagu gorfeyn doono ka hortagga Hubka sida Sharci-darrada ah loo gudbiyo iyo Danbiyada ka dhaca Badaha.

PUNTLAND POST