Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo Maanta fadhi ka yeelanaya Xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in uu gelinka danbe ee Maanta oo Khamiis ah fadhi ka yeesho Xaaladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu shaaciyay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka uu gelinka danbe ee Maanta fadhi ka yeelanayo Xaaladda Soomaaliya.

“Maanta, Xarunta Qaramada Midoobay ee NewYork, saacaddu marka ay tahay 5:00 galabnimo, waqtiga Muqdisho, Golaha Ammaanka ayaa kulmi doona si ay uga doodaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Ku-simaha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan Xaaladda Soomaaliya siin doona Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Waxaa qeyb ka ah kulanka warbixin uu siin doono Golaha ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan” ayuu sii raaciyay Qoraalka uu shaaciyay Xafiiska UNSOM.

PUNTLAND POST