Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah ku wajahan magaalada Boosaaso.
Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in Madaxweyne Deni uu maanta ku sii jeedo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu halkaasi kaga dhawaaqayo dagaal ka dhan ah mileeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Tallaabadani ayaa imaanaysa xilli ay soo baxayaan warbixino ku saabsan in ay sii xoogaysanayaan mileeshiyaadka Daacish ee buuraha gobolka Bari kadib markii ay ku biireen ajaaniib horleh.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.