Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Wefdi uu Hogaaminayo ayay mas’uuliyiin kala duwan ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey.

Socdaalka Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ah ka qeybgalka Shirk Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadli doono arrimaha doorashooyinka iyo Xaaladaha guud ee ka jira dalka.

PUNTLAND POST