Laascaanood (Faallo) — Maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo oo dhowaan sanad jirsaday waxaa mar kale soo foodsaaray loollan adag oo uga imanaya madaxdhaqameedka qaar. Siyaasadda maamulka ku aaddan colaadda Sool waxay ku salaysan tahay mowqifka in maamulka Somaliland uu dhibaato geystay, iyo in waxba aysan ka tirsanayn beelo kale. Mowqifkan, oo uu hoggaamiyaha SSCK Cabdulqaadir Aw Cali ku celceliyay, marar badan waxaa ka hor yimid Garaad Jaamac Garaad Cali oo markuu dhowr bilood ka hor booqanayay Gobolka Bari eedeyn meel-ka-dhac loo arkay dusha ka saaray beesha Reer Sheekh Isxaaq.
Haddii la qaato mowqifka Garaadka ma dhici doonto in siyaasiyiin lagula xisaabtamo gaboodfallo uu maamulka ay ka tirsan yihiin geystay. Haddii mowqifka maamulka SSCK la qaato waxaa dhacaysa in laga hortago colaado beeleed ama in dhib qof loogu geysto heyb beeleed.
Waa dhab in madaxdhaqameedku unkeen muumulka SSCK, hase ahaatee, dastuurka maamulku wuxuu awoodda dejinta siyaasadda siinayaa hoggaamiyayaasha siyaasadda. Markii qalalaasihii Ceerigaabo uu taagnaa dhowr toddobaad ka hor, madaxdhaqameedka SSCK, oo uu hoggaaminayay Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan, waxay soo saareen baaq taageeraya in nabadda Ceerigaabo la dhowro lana qaddariyo heshiiskii 1995kii Ceerigaabo ka dhacay. “Annagu xitaa markuu dagaalkii Laascaanood socday marnaba maynan ku baaqin in colaad laga alooso Ceerigaabo” ayuu yiri Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan. Waxaa xusid mudan in marxuum Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Garaad Ismaacill Ducaale ka mid ahaayeen madaxdhaqameedkii Sool ka socday oo heshiiskii Ceerigaabo ka qeybgalay 1995kii. Mowqfka madaxdhaqameedka SSCK ka qaateen Ceerigaabo wuxuu sii kobciyay sumcadda maamulka SSCK oo hadda loo arrko maamul aamminsan nabad-ku-wada-noolaansho, isxaq-dhowr iyo is cafin.
Maamulka SSCK waxaa la gudboon inuu xakameeyo kaalinta madaxdhaqameedka oo hadda u muuqata mid kala dhantaali karta midnimada dadka SSCK. Waa in si cad loogu sheego madaxdhaqameedka inay ka waantoobaan haddallada xanafta leh oo meel-ka-dhac ku ah beelaha Soomaaliyeed. Waa waajib diini in qofku uusan waxba ka sheegin abtirsiinyada qof kale. In la is waaniyo ayaa ka wanaagsan in la isu aamuso. Qofka qaldan qabasho ayuu nagu leeyahay si maamulku u guto waajibkiisa oo haddii uu gudan waayo loola xisaabtamo.
W.Q. Maxamed C. F. Xirsi
You must be logged in to post a comment.