Ra’iisul Wasaarihii dalka Japan oo is casilay sidoo kalena kala diray golihiisi Wasiirada

Ra’iisul Wasaarihii dowladda Japan Fumio Kishida ayaa saaka oo Talaado ah is casilay sidoo kalana kala diray golahiishii wasiirrada dalkaasi.

Xoghayaha Golaha Wasiirrada, Yoshimasa Hayashi ayaa warbaahinta u sheegay, in is casilaadda Kishida iyo dhammaan wasiirada ay kasoo baxday kulan uu saaka la yeeshay golaha wasiirrada.

Ninka la filayo in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan, Shigeru Ishiba ayaa Jimcihi loo doortay guddoomiyaha Xisbiga Liberal Democrat-ka.

Gelinka danbe ee Talaadada maanta ah ayaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaranimada Shigeru Ishiba lagu ansixiyo cod uu u qaadi doono baarlamaanka.

PUNTLAND POST