Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu dhawaan ka qabsoomo Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ka dhisan Koonfurta Soomaaliya, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka dhisan Koonfurta dalka ayaa sida wararku sheegayaan maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kaga qayb-galayaan Shirka loo bixiyay Madasha Wada-Tashiga Qaranka.
Madaxweynayaasha Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay ka qayb-galaan Shirkaasi oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, Amniga dalka, La-dagaallanka Argagixisada iyo Qodoba kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.