Puntland oo hub iyo Saanad ciidan saaka kala degtay garoonka diyaaradaha Boosaaso

Wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka halkaasi laga dejiyay hub iyo saanad ciidan.

Laba diyaaradood oo siday hub iyo saanad ciidan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka degay garoonka diyaaradaha Boosaaso sida ay Puntland Post u sheegeen ilo wareedyo dhinaca amniga ah.

Inta badan shaqaalaha ayaa sida wararku tibaaxayaan laga saaray gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso halka in yar oo ku hartayna taleefonnada laga ururiyay markii ay dagayeen diyaaradaha hubka siday.

Xog kooban oo aan ka helnay saraakiil ciidan ayaa xaqiijinaysa in hubka saaka lagu keenay labada diyaaradood ee laga dejiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid ay Puntland ka soo iibsatay dowladda Itoobiya.

Balse faahfaahin intaasi ka baxsan lagama hayo hubkani laga dejiyay garoonka Boosaaso islamarkaana weli si rasmi ah ugama hadal xukuumadda Puntland.

PUNTLAND POST